Puntland: go’aan laga soo saaray dadka ku eedaysan kufsiga

Hay’adda la’dagaallanka HIV/AIDS-ka dowladda Puntland ee (PAC), ayaa ka dalbatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland in Virus-ka HIV laga baaro, dhammaan dadka ku eedaysan arrimaha kufsiga ee ku xiran xabsiyada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasinka guud ee hay’adda PAC, ayaa lagu sheegay in ay jiraan, dad la nool Virus-ka HIV oo ku eedaysan arrima la xiriira kufsi, sidaasi darteedna ay muhiimtahay in xanuunka laga badbaadiyo dhibbanayaasha kufsiga loo geystay.

Hay’adda ayaa ka codsatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland, in ay ogolaansho siiyan saraakiisha caafimaadka, si HIV looga baaro dhammaan eedaysanayaasha loo soo xiro arrimaha kufsiga.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar