Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Itoobiya oo ku wajahan Caasimadda Kenya

Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Sidoo kale, Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.

Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST