Kulan looga Hadlay Dib-u-eegista Dastuurka Somalia oo lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti

Jabuuti (PP) ─ Shir ay ka qayb-galeen hay’adaha u xil-saaran sidii dib-u-eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-eegista iyo hirgelinta Dastauurka oo shan maalmood socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed iyo hab-dhowraha Golaha Shacabka, Sharmarke Garaad Saleebaan iyo la-taliyaasha hayadaha kala duwan.

Sidoo kale, intii uu socday shirka waxaa saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda mideysan ee wacyigalinta iyo la-tashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe hawleedka midaysan ee la-tashiga iyo wacyi-gelinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019-ka. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo la-tashiyada iyo wacyi-galinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wada-shaqaynta saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-ueegista dastuurka Somalia iyo sida ay uga go’an tahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed oo ka hadlay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa lagu ballamay in la billaabo ololaha wacyi-galinta iyo la-tashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019-ka, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019-ka.

PUNTLAND POST