Dilal Maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda

Muqdisho (PP) ─ Sadex dil ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo mid ka mid ah loo geystay haweeney naafo ahayd oo sugaysay gargaar ay siinaysay hay’ad ka mid ah kuwa QM.

Haweeneyda naafada ah ee la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Cadar, waxayna ka go’nayd mid ka mid ah labadeeda lugood, iyadoo dadkii ku sugnaa goobta ay sheegeen in mid ka mid ah ilaalada Hoteelka Shamow oo ku dhaw Isgoyska Zope uu si bareer ah u toogtay haweeydan oo 50-jir ahayd.

“Ruuxa ilaalada ah oo watay qori kuwa daran-doorriga u dhaca ha ayaa ku dhuftay xabad Cadar oo ku jirtay safka dad dan-yar ah oo hayadda WFP ay u qaybinaysay gargaar lacageed,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii ku sugnaa goobta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ruuxii ilaalada ahaa ee toogashaada u geystay haweeneydan naafada ah uu goobta ka baxsaday, lama oga inay ciidamada amniga dowladdu soo qabteen iyo in kale.

Sidoo kale, Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa toogasho ku dilay darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdihso iyo deegaannada gobolka Shabeellada Hoose.

Darawalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/qani Axmed Xaaji, waxaana loo dilay sida ay goobjoogayaal goobta ku sugnaa sheegeen lacag uu qadarkeedu dhamaan hal doollar.

“Marxuumka wuxuu  waday gaari ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna kusoo jeeday Muqdihso, balse askari ka tirsan kuwa ku sugan Siinka-dheer ee dulleedka Muqdisho ayaa toogasho ku dilay,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka.

Ehellada marxuumka ayaa hadalkooda ku daray askarigan dilka geystay oo baxsaday uu dawaralka la dilay weydiistay lacag hal doollar ah, balse markii uu darawalku u sheegay inuusan hayn uu xabbad ku dhuftay, kaddibna uu ka baxsaday goobta.

Dhanka kale, Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore degmada Hawl-wadaag ee Muqdisho ku dilay askari ka tisran cidiamada Dowladda Somalia oo ku socday bar-koonatrool ay ciidamadu ku lahaayeen degmadaas, iyadoo kooxihii dilkaas geystay ay baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilka loo geystay askariga.

Ugu dambeyn, dilalka soo laalaabtay ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxay ka mid noqonayaan dilal dhawaanahan kusoo badanayay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay geysanayeen askar ka tirsan cidiamada dowladda Somalia iyo Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST