Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Gambadhe ee gobolka Sool

Wararka ka imaanaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii jabhadda SSC ay weerar jid-gal ah u dhigtay cutubyo ka tirsan militariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe.

Ilo’wareedyo kala duwan, oo warbaahinta Puntland Post la hadashay, ayaa xaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho dhaawac oo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale waxa la sheegaya in gaadiid iyo hub lagu kala qabsaday dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland post