Garowe: Dhalinyaro ku eedeysnaa Kufsi oo dil lagu xakumay

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February  gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ku xigeenka xeer ilaalaiyad guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in eedeysanayaasha dilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka cinqaabta Soomaaliyeed.

Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexwe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo.

Magacyada dhalinyarada la xakumay

  1. Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Bishii la soo dhaafay ee February waxaa Gaalkacyo ka dhacay dhowr kiis oo kufsi iyo dil isugu jira, waxaana u dambeeyay kii Caasha Ilyaas, oo aan wali maxkamadi xukun ka soo saarin.

PUNTLAND POST