Biixi iyo Cagjar oo dhagax dhigay wado isku xiri doonta Berbera iyo Wajaale

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuul ka socda Imaaraadka Carabta ayaa maanta duleedka Hargeysa ka dhagax-dhigay wado laami ah oo isku xiri doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor).

Mashruucan waxaa maagalinaysa dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna kamid yahay mashruuca dekadda Berbera ee shirkadda DP World, waxaana ku bixi doona sida la sheegay lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow iyo toban milyan oo dollar), waxaana loo qorsheeyey inuu si toosa u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) 2019-ka.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar oo munaasibadii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, wuxuuna xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka, wuxuuna sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera.

Mashruuca Berbera Corridor ayaa sida la sheegay ka kooban wado dhererkeedu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka.

PUNTLAND POST