Wararka been abuurka ah ee baraha bulshada iyo kiiskii Caasha

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Facebook-ga qabsatay warar been abuur ah, oo lala xiriiriyay kiiskii foosha xumaa ee Gaalkacyo loogu geystay Caasha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd.

Sawiro iyo magacyo rag, oo la leeyahay waxay ku lug la haayeen kiiskii Caasha ee Gaalkacyo ayaa aad u mushaaxay baraha bulshadu ku xiriirto, waxaana been abuurkaas rumaystay dad badan oo la sii wadaagay asxaabtooda.

Raga sawiradooda iyo magacyadooda lagu baahiyay baraha bulshada ayaa PUNTLAND POST ogaatay in ay kala joogaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa.

Maxamed Maxamuud Afjar (Kabo-qolof) oo mar soo noqday Guddoomiye ku xigeen degmada Gaalkacyo, horeyna uga mid ahaa bahda cayaaraha gobolka Mudug, ayaa kamid ahaa ragii sawiradooda iyo magacyadooda lagu faafiyay baraha bulshada.

Maxamed Maxamuud Afjar oo hadda ku sugan magaalada Garowe, ayaa xiiriir uu la soo sameeyay warbaahinta PUNTLAND POST uga waramay arrintan, wuxuuna sheegay in ahayd arrin uu aad ula yaabay.

Wuxuu sheegay in cidii ka dambeysay arrintan ay tahay mid marin habaabinaysa ummada isagana cirdigiisa iyo sharaftiisa wax u dhamaysa, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii marxuumad Caasha Ilyaas.

Raga kale ee been buurka loogu faafiyay baraha bulshada ayaa sida aan ogaanay ku kala nool qaaradaha Afrika, Yurub iyo Ameerika.

Dad badan oo isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa rumaysta wararka been abuurka ah ee lala wadaago, sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa soo tabiya macluumaad aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu faafiyo Facebook-ga iyo Twitter-ga.

Shirkadaha baraha bulshada ayaa ku guuldareystay in ay sameeyaan siyaasad lagu xakameynayo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo barahooda.

Dhanka kale masuuliyiinya gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ilaa afar qof u qabteen kiiska Caasha Ilyaas, uuna wali socdo baaritaan, waxayna sheegeen in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato falkaas.

Marxuumad Caasha Ilyaas ayaa maalin ka hor kufsi iyo dil loogu heystay Gaalkacyo, waxaana falkaas arxandarada ah ka carooday dad badan oo reer Puntland ah, kuwaas oo dalbaday in caddaalad loogu hiiliyo Caasha.

PUNTLAND POST