Kismaayo: shacab loo diiday in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Xidig

Dadka loo diiday soo dhaweynta

Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa sheegaya in dad shacab ah loo diiiday in garoonka diyaarada ku soo ku weeyaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Ciidamada Jubbaland ayaa kala eryey dad shacab ah oo ku sugnaa  banaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Xidig, oo la sheegay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin sababta, Xildhibaan Xidig oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loogu diiday in laguĀ  soo dhaweeyo Kismaayo.

Arrinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xalay Guddiga amniga Jubbaland soo saareen amaro ka dhan ah musharixiinta, kuwaas oo ay kamid ahaayeen inaysan musharaxiiintu sameysan karin ilaalo u gaar ah, isla markaana amnigooda uu damaanad qaadayo dowlad goboleedka Jubbaland.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorshuhu yahay in doorasho madaxtinimo ka dhacdo bisha Agoosto ee sanadkan 2019.

PUNTLAND POST