DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 dagaalame oo Al-shabaab ah

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna ku dileen dagaalyahano iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab

Howlgalka ayaa laga fuliyay deegaanada Orantan, Masaaro Jabis, Dhiri Maadle, Miir cado, Garxamud, Wab Galeey iyo Afar Irdood oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo la sheegay in ay saldhigyo ku lahayeen Al-shabaab

Saldhigyadii Al-shabaab ayaa lagu burburiyay howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka

Taliyaha guutada 5Aad qeybta 27Aad ee ciidanka Xoogga Dalka G/sare Faarax ayaa sheegay in howlgalo laga fuliyay deegaano hoostaga gobolka Hiiraan lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab

Kornel Faarax Kooshin waxa uu sheegay in howlgalka Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 40 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Ugu dambeynti Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalka looga gubay 3 gadiid oo ah kuwa dagaalka.

PUNTLAND POST