Gaalkacyo: Xaaf oo sheegay in Farmaajo balan uga baxay

Xaaf

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelele Xaaf oo maalmahan dambe ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Keynya ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf oo markii uu Gaalkacyo yimi warbaahinta la hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen, waxa uuna intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garowe aaney wali fulin.

Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah isku dayeyso in ay ciidamada 21aad iyo NISA ay u adeegsato caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay isku tashtaan oo ay deegaankooda iyagu hormarsadaan waxaa uuna intaa ku daray in ay dhawaan imaan doono hay’addihii dhisi lahaa degmooyinka.

Xaaf ayaa mudooyinkii dambe xarun ka dhigtay magaalada Gaalkacyo oo qeyb kamid ah uu ka taliyo maamulkiisa, waxaana khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug sababay in uu Xaaf tagi waayo Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Labaatanka bisha soo socota ee Maarso waxaa Garowe shir isugu iman doona federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya.

PUNTLAND POST