Galmudug oo sheegtay in ay qabatay hub ka yimi Puntland

Hub lagu qabtay Dhuusamareeb

Ciidamada amniga maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ku soo ku soo bandhigay hub ay sheegeen in loo waday Al-shabaab.

Ciidamada amniga Galmudug ayaa sheegay in hubkaas oo rasaas iyo qalab kale oo ciidan isu jiray lagu waday gaari Bus ah oo ka yimid dhinaca gobolka Bari ee Puntland, isla markaana uu u socday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Ciidamada amniga Galmudug ayaa faahfaahin intaas dheer ka bixin hubka ay qabteen, balse waxay sheegeen in ay baaritaan ku wadaan, isla markaana wixii kasoo baxa ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, kuwaas oo marar badan la sheegay in ay hub kala soo dageen deegaanada xeebaha.

PUNTLAND POST