Sheikh Kenyaawi oo Garoowe soo gaaray

Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed bulshada ku wacdiya cafiska iyo walaalnimada ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sheikh Kenyaawi ayaa ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho oo uu waayadan dambe ka waday barnaamij la baxay “Cafi walaalkaa” kaasoo bulshada loogu wacyi-gelinayo is-cafinta iyo xoojinta walaalnimada.

Ujeedka socdaalka Sheikha ee magaalada Garoowe ayaa ku saabsan isla barnaamijkaas waxaana uu maalinta Jimcaha ee 22 bishan Febraayo garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee caasimadda Puntland ku qaban doona barnaamijka “Cafi walaalkaa”.

PUNTLAND POST