Puntland oo laga joojiyay xisbiyada Siyaasadeed

Wasaaradda Arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayaa ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee ay ka hayaan gudaha Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay xisbiyada in aysan wax shaqo ah ka qaban karin gudaha Puntland inta laga dhameystirayo dhammaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedd-socodka dimuqraadiyeynta ee doorashooyinka dalka.

Amarkan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Puntland albaabada u laabtay xarun cusub oo xisbiga Wadajir uu ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhinaca kale warar madax-bannaan ayaa sheegaya in go’aankan uusan ku koobneyn shuruucda xisbiyada siyaasadda balse lagu daboolayo arrimo la xiriira ka hortagga in loollanka xisbiyada mucaaradka ah iyo Villa Somalia uu saameyn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST