Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ka baaqday magaalada Addis Ababa oo ay ku kulmi la haayeen Muuse Biixi.

Sababta uu u baaqday kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay la xiriirto xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya iyo kulamo muhiim ah oo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya in uu dhaqso dib ugu laabto Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa qorshuhu yahay in ay goor-dhow u duulaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, markii uu gaarayna waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shade iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horey casuumaad ugu fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, oo yeelan lahaa kulan uu garwadeen ka yahay.

PUNTLAND POST