Xisbiyada ucaaradka Soomaaliya oo taageeray go’aankii ay dowladdu ugu jawaabtay Kenya

Muqdisho (PP) ─ Madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aankii ay Dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay Kenya, kaddib markii Xukuumadda Nairobi ay soo eriday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalkeeda.

Qoraallo kasoo kala baxay xisbiyada WADAJIR iyo iyo xisbiga Nabadda iyo Dumuqraadiyada (UPD) ayaa lagu sheegay inay taageerayaan go’aanka dowladda Federaalka ay ka bixisay hadalladii ka soo yeeray Kenya, kuwaasoo salka ku haya muranka badda ee labada dal u dhexeysa.

Guddoomiyaha xisiga WADAJIR, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xusay in xisbigiisu uu taageerayo hadalka dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inuu xisbigiisu ka shaqeynayo ilaalinta Madax-bannaanida iyo xudduudaha dhulka ee Soomaaliya.

“Xisbiga aan hoggaamiyo wuxuu ku garab-taagan yahay Dowladda Soomaaliya ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax-bannaanida Qaranka. Wuxuu xisbigu taageersan yahay xaqnimada dacwadda ay DFS u gudbisay maxkamadda caddaaladda adduunka,” ayuu yiri CC Warsame.

Dhanka Kale, Guddoomiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inay xisbi ahaan ku taageerayaan dowladda dhexe jawaabtii ay ka bixisay hadalkii kasoo yeeray xukuumadda Kenya.

“Soomaaliya waxay xaq u leedahay ilaalinta, gacan-ku-haynta iyo sugnaanta xuduudaheeda iyo khayraadka ku jira. Waana lagama maarmaan ah in la muujiyo siyaasad deggen oo ku saleysan daris-wanaaggga dalalka jaarka ah iyo in lagula dhaqmo daris-wanaag iyadoo la eegayo xiriirka labada waddan ka dhexeeya,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray in xiisadaha hadda taagan ee ku aaddan muranka badda la dajiyo lagana war-sugo go’aanka ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ka gaarto dacwadda arrintan ku saabsan ee hortaalla.

Ugu dambeyn, Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay maanta laga sii daayay war ku saabsan xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira oo ay dowladdu hangool ku haysay, iyadoo xisbiyada mucaaradka ah ay dhankooda muujiyeen inay arrimaha masiiriga ah ku garab-taagan yihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya oo aysan ka dhinac hadli doonin.

PUNTLAND POST