Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay war ka soo saarto go’aankii dowlada Kenya ay xariirka ugu jartay Soomaaliya.
Soomaaliya aayaaka baaraandageeysa sida ay jawaabta ugu haboon u siin laheyd dowlada Kenya.
Kulan arintaasi looga hadlayo ayaa madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya waxa ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulankaasi waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Ra’isilwasaaraha wasiirka arimaha dibada iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aankeeda iyo sida ay u aragto go’aankii Kenya ay xiriirka ugu jartay Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeee ayaa soo jeedinaya in go’aan mideeysan laga qaato Kenya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho