Puntland oo sheegtay in ay miisaanad gaar ah u samayn doonto soo celinta gobolada maqan

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka golaha wakiilada horkeenay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, si uu u weydiisto codka kalsoonida, ayaa ka hadlay arrimo cusub oo aan ku jirin ballanqaadyadiisi hore.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ujeediyay xildhibaannada Baarlamanka ka dalbaday, in ay xasaannadda siiyaan golaha wasiirada cusub, si loo hirgeliyo ballanqaadyadiisi uu ku galay ol’olaha doorashada ee la baxay Tayeyn&Tiigsi.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday qodoba cusub oo ay ku jiraan, in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo caalami ah iyo in uu miisaanad gaar ah u samayn doono,  soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland.

Mudane Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in la dhammaystiri doono kaabayaasha dhaqaalaha ee xukuumaddiisa ka horreeyay, taasi oo ka dhigan in heshiiska dekedda Boosaaso aan waxba laga beddeli doonin, maadaama mashruuca u weyn ee lagu wareejiyay uu yahay kan dekedda Boosaaso.

PUNTLAND POST