Qaramada Midoobay oo malaayiin Doollar ku bixinaysa sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda billowdo sanduuqa dhismaha nabadda Somalia, kaasoo ay ku bixi doonto lacag dhan 30-milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dadaallada nabadeed ee ka jira Soomalaiya la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Somalia tan iyo 2009-kii, waxaana sanduuqeeda taakuleyntana uu yaboohay lacag ku dhaw 45-milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

Dhanka kale, Xafiiska taakuleynta Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ku haya indhaha isbedellada ka socda Somalia; sida dhaqaahaha, siyaasadda, amniga, doorashooynka la filayo inay dalka ka dhacaan wixii ka dambeeya 2020-ka iyo dib u eegista dastuurka Somalia.

Midowga Afrika ayaa dhankiisa dhawaan ka dalbaday beesha caalamka inay ka shaqeeyaan sidii Somalia looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, taas oo qayb ka ah dallaalada la doonayo in kor loogu qaado dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay in Somalia ay soo daabacan karto lacago cusub.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli Dowladda Somalia ay dhawaan dalka ka erdiday ergaygii QM ee Somalia, Nicolas Heysom oo ay ku eedeeyeen inuu fara-gelin ku hayo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST