Kooxda Al-shabaab oo duqeysay Saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Somalia

Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay markii ugu horreysay ay madaafiic ku weerartay saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Somalia oo ah garoonkii ciidamada cirka Soomaaliya ee Balli-doogle.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray saldhigga Balli-doogle oo ah goob aad loo illaaliyo ammaankeeda.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, kuwaasoo ay sheegeen in ay xasuuq ka geystaan Koofurta iyo Bartamaha Somalia, kuwaasoo lagu dilo xubno badan oo iyaga ka tirsan.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan weerarkan maanta ay Al-shabaab ku qaadday saldhiga Balli-doogle.

Saldhigga Balli-doogle ayaa qaybna waxaa lagu tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliyeed ee loo yaqaan [Kumaandoos-ta], Qaybna waxaa saldhig ku leh ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Ugu dmabey, Sanadkii hore Mareykanka ayaa ballaariyay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kuwaasoo caawiya ciidamada Soomaaliya.

PUNTLAND POST