Guddiga soo celinta Hantida Qaranka oo ka Hadlay Qaabka loosoo celinayo Hantida

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Waxbarashada Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu horreeya ee ay qaban doonaan guddiga soo celinta hantida qaranka.

Goodax Barre oo sidoo kale ah Guddoomiyaha guddigaasi oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hantida lasoo celinayo kaliya inaan laga celin doonin magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan gobolada Somalia oo ay ku jiraan kuwa Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland laga soo celin doono hantida ay lahayd Dowladdii dhexe , oo aysan ku koobnaan doonin gobollada Koonfurta ku yaalla.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga soo celinta hantida qaranka ayaa xusay in la isla-gartay in Wasaarad walbaa laga doonayo ugu yaraan inay soo celiso kana shaqeysiiso seddex hanti qaran oo cidna aysan ku jirin iyo ugu yaraan labo Hanti Qaran oo shaqsiyaad ama shirkado ay gacanta ku hayaan.

Taasoo ka dhigan in wasaarad walbaa laga doonayo inay soo celiso seddex Hanti qaran islamarkaana ka shaqeysiiso.

Dhanka kale, Waxaa la is-weydiinayaa sida Xukuumadda Soomaaliya ay usoo celin doonto goobaha Dowladda ee ku yaala Gobollada Waqooyi ee dalka, iyadoo la og yahay in gobolada waqooyi ka dhismay maamulka Somaliland tan iyo burburkii dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda ma uusan sheegin hanaanka ay dhaqan gelinta qorshahaasi u mari doonaan, balse wuxuu caddeeyay inay ku jiraan qorshayaasha ay isku fahmeen guddigan.

PUNTLAD POST