Ilhaan Cumar oo si kulul ugu jawaabtay Trump

Ilhaan cumar oo katirsan golaha aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweyne Trump.

Qoraal ay Twitterkeeda ku qortay Ilhaan Cumar ayeey kaga hadashay arimo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Yahuuda.

Hadalkaaasi waxaa ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump oo ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho.

Ilhaan ayaa si kulul arintaaasi uga pjawaabtay qoraal ay soo dhigtay twitterkeeda.

‘Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan ah Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar aayaa raaligalin ka bixisay eedeeyn loo soo jeediyay oo ah yahuud naceyb inkastoo Trump uu san ku qancin.

Puntland Post