Xukuumadda cusub ee Puntland ma heli doonta kalsoonida Baarlamanka?

Golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta sabtida ee ku beegan 16-ka bishaan Febraayo, waxaa la horgeyn doona xildhibaannada Baarlamanka, si ay u ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa Axaddii la soo dhaafay magacaabay, xukuumad ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kadib markii uu wada-tashiyo kala duwan la yeeshay dhinacyada ay khusayso.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa la filayaa in Sabtida ay si wadar ah codka kalsoonida ugu qaadan wasiirada cusub, maadaama ay hore u ansixiyeen go’aankaasi.

Inkastoo mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ay aad ugu kala aragti duwan yihiin, habka buuxinta awood-qeybsiga ee xukuumadda cusub, hadanna waxa la filayaa in ay kalsoonida siiyaan, maadaama ay badan yihiin xildhibaannada taageersan.

PUNTLAND POST