Xubno ka tirsan ururka Haweenka Puntland oo taageeray xukuumada cusub

Guddoomiyaha ururka Haweenka Puntland, Khadro Warsame Jaamac iyo xubno ka tirsan ururka oo xafiiskooda warbaahinta kula hadlay ayaa soo dhoweeyay, xukuumadda cusub ee uu shalay soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Marwo Khadro Warsame, guddoomiyaha Haweenka oo hadalka ku hormartay ayaa soo dhowaysay golaha wasiirada cusub, waxaana ay sheegtay in ay taageesantahay xukuumadda la soo dhisay oo ay ku tilmaantay” mid xul ah”.

Sidoo kale xubno ka tirsan ururka Haweenka oo weheliyay guddoomiyaha, ayaa si lamid ah u soo dhoweeyay golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, gaar ahaanna gabdhaha wasiirada ka soo dhex muuqday.

PUNTLAND POST