Xubno ka tirsan Daacish oo lagu qabtay gobolka Bari

Ciidanka amniga dowladda Puntland ee PSF, ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay, xubno cusub oo ku biiri lahaa, malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.

Hawlgalka oo laga fuliyay togagga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay xubno doonayey, in ay ku biiran malayshiyaadka Daacish iyo saad ciidan oo loo gudbin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.

Qoraalka PSF, ayaa sidoo kale shacabka loogu baaqay, in ay ciidanka la wadaagan wixii xog iyo macluumaad ay ka hayaan malayshiyaadka Daacishs,si looga sifeeyo degaannada Puntland.

Kooxda la baxday Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Mu’min ayaa inta badan ku sugan buuraleyda loo yaqaan Cal-miskaat ee gobolka Bari, waxaana meelaha ay ku xooggan yihiin kamid ah buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi.

PUNTLAND POST