Garoowe: Qaar kamid shacabka oo ka ra’yi dhiibtay xukuumadda cusub

Qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ra’yigooda ka dhiibtay, xukuumadda cusub ee shalay uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Dadka ayaa ku kala argtiyo duwan golaha wasiirada iyo habka awood-qeybsiga ee loo magacaabay, iyadoo qof walba uu si u arko; mid mucaaradsan iyo mid taageersanba, maadaama aysan bulshadu hal dhinac wax ka wada-eegin.

Shacabka qaar kamid ah oo taageersan xukuumadda cusub ayaa soo dhoweeyay, halka qaar kale oo dhaliinsan habka loo magacaabay ay si ka duwan uga hadleen.

PUNTLAND POST