Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in la fashiliyay koox uu ku tilmaamay dhiig-Cabayaal oo isku dirayay madaxda federaalka iyo kuwa degaanka.
Kooxdaasi ayuu sheegay in ay yihiin haraadigii Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana ay isaga kula colleebeen Soomaalinimo jecaylka iy diinta.
Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay xisbiga degaanka gaar ahaanna guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo isaga (Cagjar).
Mudane Cagjar ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jigjiga kadib markii Addis Ababa lagu soo xalliyay khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Shide.
PUNTLAND POST