Ciidamo AMISOM ah oo lagu weeraray Jubbada Hoose

Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya.

Qaraxyo la dhigay waddada dhinaceen ayaa la sheegay inay ciidammada la qarxeen, xilli ay ciidamadu marayeen deegaan u dhexeeya Dhoobleey iyo Af-madoow, inkastoo aanay ciidamada Kenya sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Sidoo kale, Qaraxa kaddib ayaa la sheegay inuu goobta ka dhacay dagaal toos ah oo ciidamada Kenya iyo xoogaga Al-shabaab u dhexeeyay, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, dagaalkuna uu muddo kaddib si iskiis ah u joogsaday.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas gaadmada ah ay ciidamada Kenya uga gubeen laba baabuur oo midi uu ahaa kuwa gaarka ah ee ay ciidamadu isticmaalaan ama gaari gaashaaman.

Al-shabaab ma sheegin khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray dhankooda iyo khasaaraha ciidamada Kenya ay gaarsiiyeen, waxaase afhayeen u hadlay uu sheegay inay dagaalka ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan ka hadlin weerarka ciidamada lagu qaaday khasaaraha kasoo gaaray, balse inta badan ciidamada Kenya ayaa lag beegsadaa deegaannad ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

PUNTLAND POST