Xisbiga Xasan Sheekh oo ka digay in la xaraasho shidaalka Soomaaliya

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada London 7 Febraayo 2019, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigaas oo ku taariikhaysnaa beri 31 Janaayo 2019 ayaa lagu sheegay in xisbiga UPD uu ka welwelsan yahay khatarta ka dhalan karta haddii uu hirgalo qorshaha ay rabto Wasaaradda Batroolka oo lagu sheegay xaraashka Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya.

Xisga UPD ayaa sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan shirkado shidaal oo ku tartami doona shatiga shidaal qodida Soomaaliya.

Dhanka kale Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa 25-kii bishan Janaayo war ay soo saartay ku beenisay in la xaraashayo Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa warkaas ku sheegtay in shirka London ay ka qeyb-gali doonaan Wasaaradda, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada, ganacsato iyo shirkado shidaal oo caalami ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xisbiga UPD.

PUNTLAND POST