Deni:- Waxaa la isla qaatay “xalay dhalay”

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraaid ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaaladda Garowe ayaa ka warbixiyey kulamo ay qaateen madaxda Dawlada Federalka iyo kuwa maamulada Dalka ee kasoo qayb galay caleema saarkiisii.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulamadaas xooga lagu saaray mar-xalada adag ee uu Dalku maraayo iyo sidii loosoo afjari lahaa khilaafaadka iyo is-qabqabsiga u dhexeeya Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la isla qaatay in wixii jireyba xalay dhalay laga noqdo, lagana shaqeeyo midnimada iyo wadajirka umadda Somaaliyeed, wuxuuna kulankaas ku tilmaamay mid taariikhiya oo wax tarweyn u lahaa umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo jeediyey in shir la isugu yimaado magaalada Garowe bartamaha bisha sadexaad, shirkaas oo u dhaxayn doona Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka, wuxuuna intaa raaciyey inuu aqbalay isagoo ku hadlaaya magaca Dawlada iyo dadka Puntland inay gogol nabadeed dhigaan caasimada Puntland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Puntland kaalin fir-fircoon ka qaadanayso wadajirka iyo isu soocelinta umadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST