Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalidu ma qaadan doonaan gudoonkii uu ridey Islaan Ciise Islaan Maxamed?

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Xafladii Caleema saarka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee ka dhacday magaalada Garowe ayaa la isku raacay in khudbadii ugu qiimaha badnayd uu jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed oo hogaamiya mid kamida sandanooyinka facaweyn ee Soomaaliyeed.

Khudbadii Islaan Ciise uu munaasabada ka jeediyey oo qaadatay lix iyo toban daqiiqo iyo lix iyo toban ilbiriqsi ayuu kaga hadlay dhinacyo badan oo isugu jirey dar-daaran, hogatusaalayn iyo gudoonkii qarniga oo ugu dambayntii ridey, Islaanku wuxuu si gaara ula dardaarmay madaxda cusub ee loo doortay Puntland, madaxda maamul gobaleedyada kale ee Dalka, madaxda Federaalka isagoo si guudna ula dardaarmay dhamaan madaxda madasha isugu timi mucaarad iyo muxaafidba iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Dar-daarankii uu Islaan Ciise u jeediyey Madaxweyne Deni

Islaan Ciise ayaa Madaxweyne Deni kula dar-daarmay inuu ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka umadda Soomaaliyeed ayna arintaasi tahay waxa uu dadka reer Puntland ku mateli doono.

“Waxaad tahay wakiilka ama hogaamiyaha siyaasada maanta ugu fadhiya Puntland, waxaan adiga kaala balamayaa ama intaas u sheegayaa inaad wakiil nooga tahay wadajirka, isku-xiraanta, midnimada, wada-doonista Soomaaliya, ee aadan wakiil noogu ahayn kaliya Puntland intay degantahay ee aad noogu tahay wakiilka Soomaaliya inaad kaalinta ay leedahay iyo qof walba mudnaanta uu leeyahay lagaa helo”  ayuu yiri Islaan Ciise.

Islaan Ciise wuxuu Madaxweyne Deni ugu baaqay inuu ilaaliyo waxa ay u igmadeen dadka doortay.

“Qofka bini’aadamka hadalka in buu abaar uga leeyahay, Hanti in buu ka quuraa, awoodna wax buu ka qaadaa, kii aadan abaar u lahayn ama aadan aqool u heli karin ama awoodaadu daafici karin eedeedu kuma qabanayso, Ceebtii waa nimay ku taal iyo nin lagu tiray baa la yiri, intaa inaad iska ilaalisid intaasna ku xisaabtantid baa lagaa donayaa” ayuu intaa raaciyey Islaanku.

Islaan Ciise wuxuu si lamida la dardaarmay madaxda Maamuladda kale ee Dalka wuxuuna ugu baaqay inay ilaaliyaan wixii  loo doortay iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Gudoonkii taariikhiga ahaa 

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay inuu caawa ridaayo gudoon, wuxuuna yiri

” Waxaan aan rabo Soomaalinimo weeye, Kolay umad badan caawa halkan isugu timi in is taqaan iyo in aan is aqoon, in wada hadasha iyo in aan wada hadlin in isku faraxsan iyo in aan ahaynba, Caawa marka gar baan ku gelayaa meeshaan, anaana gudoominaaya, anagu hadaanu reer koonfureedow xaga ida kasoo xigno oo aad reer Bari na tiraahdaan, niman reer Muduga wax baanu kala harayoo, waxay kalmadaasi tahay (War wax dhacayba aynu xala dhalay ka ahaano) mid kalena ragbaa yiriyoo, nin baa wuxuu yiri caawa Nuux iyo Naaleeyaba waa la joogaaye naftu yaanay iga dhicin, Marka caawa madashaan waa lagu dhan yahay, gudoonka dhaqan caawa anaa halakan ka oranaaya, gudoonka siyaasadeed ninkii leh isagay u taalaa, garta aan caawa halkaan ku gelayaa waxay tahay inta maqan xitaa siyaasiyiinta caawa anaa wakiil ka ah, inta dadweynaha oo somaaliyeed oo shibilkana anaa wakiil ka ah, inteena caawa madasha joogta salaadii waxaynu meeshaan kaga tageynaa, ama caawa kaga dheelmanaynaa wax dhacayba aynu xala dhalay ka ahaano” Islaan ciise.

Siyaasiyiintu ma aqbaleen gudoonka Islaanka?

Dhamaan siyaasiyiintii madasha ka hadlay oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Dawlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen inay qaateen gudoonka Islaanka ayna diyaar u yihiin wixii dhacayba in xala dhalay laga noqdo.

Sidoo kale dadweynaha Soomaaliyeed oo baraha bulshada kaga fal-celiyey gudoonka islaanka, waxay madaxda Soomaalida ka codsadeen inay qaataan hadalka uu jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed si loo soo celiyo midnimadii umadda Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Khudbadii qiimaha lahayd ee Islaanka

PUNTLAND POST