Maxay imaanshaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Puntland ay hadal hayn gaara u dhalisay?

Waxaa si aada loogu diyaar garoobayaa caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo lagu wado inuu caleema-saarkani noqdo kii ugu weynaa ee uu abid dhigto madaxweyne loo doortay Puntland.

Munaasabada caleeema-saarka madaxweyne Deni waxaa lagu casumay dad kala duwan oo isugu jira Madaxda ugu saraysa Dawladda Federaalka, Madaxda maamul gobaleedyada, siyaasiyiin mucaarad ku ah Dawlada dhexe, kuwo muxaafida iyo qaybo kale oo ka tirsan bulshada rayidka.

Imaanshaha Madaxda Dawlada dhexe iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Waxaa kamida dadka la casumay wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiin si aada ugu kacsan dawladdiisa oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha urur siyaasadeedka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

In hal xaflad lagu casumo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dawladda dhexe ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada iyo goobaha ay dadweynuhu ku sheekaystaan.

Dadweynaha ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlaya arintan, waxaana moodaa in si gaara loo hadal hayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida siyaasiyiinta sida aadka ugu kacsan Dawladda uu hogaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Munaasabada caleema-saarka Madaxweyne Dani oo lagu casumay siyaasiyiin kala afkaar duwan ayaa waxaa laga yaabaa in uu noqdo masrax tijaabo ah iyo miisaan lagu kala saari karo hogaamiyaasha isku arki doona marka laga hadlayo kala duwanaashaha garasho Iyo mida xigmadeed ee ay leeyihiin siyaasiinta, qaar ayey suurtagal tahay in laga dha,dhansado hadallo cabqari nimadooda ka turjumaya, halka kuwa kalana ay cantara baqash isla soo taagi doonaan, laakiin garsoorayaasha eegaya garoonka Garoowe waxa ay calaamada guduudan u taagi doonaan siyaasigii lagu arko kaftan qoran isaga oo warqad ka aqrinaya” ayuu yiri Elmi Osman Boodhari oo kamida dadka ka faalooday arimahan.

Dadka dhaliilaya booqashada siyaasiyiinta mucaaradka

Dadka la dhacsan siyaasada xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilaya Dawladda cusub ee Madaxweyne Deni inuu munaasabadan ku casumo rag ay u arkaan inay yihiin kuwa ay ka dhaqaaqi la’dahay Dawladda dhexe ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taageerayaasha xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ay ahayd in Madaxweyne Deni uu soo dhaweeyo Dawladda dhexe uuna meesha ka saaro is-qab-qabsigii iyo wada-shaqayn xumadii mudada dheer ka dhex aloosnayd Dawladda Federaalka iyo Puntland, hase ahaatee waxay rajo xumo ka muujinayaan in xiligan caleema-saarkii Madaxweynaha lagu casumo qaar kamida raga huriya mucaaradada xoogan ee Dawladda Farmaajo iyo Kheyre lagaga soo horjeedo, iyagoo u arka inay arintani tahay calaamad muujinaysa xiriirka ka dhexeeya ragan iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Dadka la dhacsan booqashada siyaasiyiinta Mucaaradka

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo la dhacsan siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka qeyb galaan caleema-saarka Madaxweyne Deni waxayna iyaguna si lamida kuwa taageersanaa Dawladda ay taageraadooda kusoo bandhigeen baraha bulshada, dadkan ayaa qaba inay Puntland tahay hooyada dawladnimada Soomaaliya ayna mudan tahay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah lagu soo dhaweeyo, dadka la dhacsan booqashada siyaasiyiinta uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u muuqda inay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay kusoo dhaweynayaan siyaasiyiintan mucaaradka, waxaana baraha bulshada ee Internetka lagu arkaayey sawiro ay kamid yihiin funaanado iyo tabeelayaal ay ku xardhan yihiin siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaaladda Garowe.

Isku soo wada duuboo dadka dhex-dhexaadka ayaa iyaguna qaba inay tahay talaabo ay Soomaaliya horay u qaaday in si xor ah ay u kaftamaan, afkaarahoodana isku dhaafsadaan mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya, iyadoo aysan cidina isticmaalayn qori caaradii.

PUNTLAND POST