Madaxa Mashruuca CIP oo booqasho ku yimi Puntland, kulamona la qaatay hay’adaha dawladda

Madaxa Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee Capacity Injection Project ee Soomaaliya Mr Georgy oo safar shaqo ku yimi Puntland ayaa ugu horrayn kulan la qaatay Xafiiska Xiriirka Mashruuca ee Project Coordinating Unit (PCU) isagoona ka dhegeystey warbixino dheeraad ah oo la xiriira habka ay u socoto shaqada mashruuca iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la dardar geliyo.

Sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soof oo uu isaga hoos tago mashruucani isla markaana waxa uu ka xog waraystay waxyaabihii uu soo kordhiyey mashruucaani muddadii uu shaqaynayey iyo sidoo kale waxyaabaha la doonayo in wax laga beddelo haddii ay jiraan.

Mr Georgy ayaa dhinaca kale waxa booqasho ku tegey Hay’adda Shaqaalaha rayidka aee Puntland, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta iyo Jaamacadda Puntland State University isagoona dhammaan goobahaasi kula kulmay Masuuliyiintii ugu sarraysey hay’adahaas.

Waxaana uu kala xaajoodey waxyaabihii qabsoomay muddadii uu mashruucu ka shaqaynayey Puntland iyo caqabadihii lasoo gudboonaadey muddaasi iyo qorsheyaasha la hiigsanayo sannadkaan cusub in la hirgeliyo iyadoo lagu salaynayo baahiyaha rasmiga ah ee ka imaanaya hay’adaha dawladda.

Mr Georgy  Ayaa dhowaan lasoo magcaabay kaddib markii uu xilkiisu dhammaaday Mr Alex oo isaga xilkaan uga horreeyey waxaana ajandaha socdaalkiisa qayb muhiim ah kamid ahayd u kuur gal iyo is barasho maadaama uu  ku cusub yahay shaqada.