Gabadha kaliya ee ku jirta Baarlamaanka Puntland oo kamid noqotay gudiga joogtada

Xildhibaan, Naciimo Cabdi Caarshe

Naciimo Cabdi Caarshe oo ah gabadha kaliya ee kamida Baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland ayaa kamid noqotay gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Naciimo ayaa dhawaan warqad codsi ah u dirtay Baarlamaanka, taas oo ay kaga codsatay inay ku taageeraan kamid noqoashada gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland.

Baraha bulshada ayaa maalmihii u danbeeyey laga hadal hayey gabadhan iyo codsiga ay u dirtay Gollaha Wakiilada, iyadoo dadweynuhu uga hadlaayeen siyaabo kala duwan.

Naciimo ayaa laga soo doortaa gobalka Sool, waxayna isu aragtaa inay tahay Wakiilka kaliya ee Baarlamaanka ugu jira haweenka Puntland.

PUNTLAND POST