Siyaasi sheegay inuu ku xanuusaday lacaggo xaaraana oo uu qaatay mar uu xil Dawladeed hayey

Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa wasiirkii hore ee boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ee xukuumdii Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu xanuuno uu weli la tacaalaayo ka qaaday lacaggo si aan haboonayn ugu baxsaday mudadii uu ahaa wasiirka, wuxuuna umadda Somaliland iyo Illaahayba weydiistay cafis.

” Anigu waxba ma qarsan karaayee, war xanuuno badan oo aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, sababtoo ah markii lagu yiraahdo xil wasiir baad haysaa lacagaha ku qoran macal marka lagu daro gunno xileedka waa kun iyo shan boqol oo doolar iyo wax noocaasay noqonaysaa, dabadeed waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad shay walba iyo lacag walba ku qoran tahay taas oo ay tahay in arimo gaara lagu qabto, marka lacagahaa noo qoraa noloshayada makafayn karin sidaa darteed dollarkii dheeriga ahaa ee aan halkaas ka qaadanay waa xaaraan” ayuu yiri wasiir Abgaal.

Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu xanuusaday markii uu muddo yar shaqaynaayey, markii uu baaray arintaasna uu ogaaday in xanuunadan ay sabab u tahay lacaggo xaaraana oo uu ka qaatay wasaaradii uu masuulka ka ahaa.

Abgaal ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto masuuliyada danbe, wuxuuna Illaahay waydiistay inuu ka cafiyo xaaraantii uu horay u qaatay.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in xanuunadan aysan kaligiis ku koobnayn balse ay jiraan siyaasiyiin kale oo xanuuno lagu imtixaamo marka ay xoolaha dadweynaha si aan haboonayn ugu takri falaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay inay jiraan kuwo uu midabkoodu isbadelo oo loo malaynaayo inay cadaadeen oo ay qurux badnaadeen hase ahaate ay arimahaas xanuuno sababeen.

Masuuliyiinta Soomaalida ayaa la sheegaa inay hantida dadweynaha ee ay gacanta ku hayaan u isticmaalaan si lamida hantidooda gaarka ah, waase adag tahay siyaasi Soomaaliyeed oo sidan oo kale cafis uga dalbada umadda iyo Illaahay.

PUNTLAND POST