Ciidamada amniga Boosaaso oo fashiliyay qaraxyo

Laamaha amniga Puntland ee gobolka Bari, ayaa hawlgal wadajir ah oo ay xalay ka fuliyeen  magaalada Boosaaso ku fashiliyay, qaraxyo lagu diyaariyay goobo muhiim ah oo ku yaalla suuqa caanaha Boosaaso.

Booliiska gobolka Bari oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa gacanta ku dhigay qaraxyadan oo laga buuxiyay bac nooca lagu adeegta,sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).

Maamulka gobolka Bari ayaa saaka warbaahinta u soo bandhigay, walxaha ay ka samaysnaayeen qaraxyada la fashiliyay oo lagu guulaystay in la fur-furo,iyadoo aan cidna wax dhibaato ah ka soo gaarin .

Qaraxyada ayaa ka koobnaa walxo ay kamid yihiin; biro goo go’an, budooyinka qarxa,daasado, beteriyo  iyo taleefon loogu tala’galay in meel fog looga hago,sida uu sheegay guddoomiye Dhedo oo saxaafadda uga warbixiyay qaraxyadan.

Mudane Dhedo ayaa hay’adaha amniga Boosaaso ku ammaanay, sida geesinimada leh ee ay u fashiliyeen qaraxyadan lala doonayay in shacabka dhibaato loogu geysto,waxaana uu ballan qaaday in la dallacsiin doono, islamarkaana gunnooyin dheeri ah la siin doono ciidamadii hawlgalkaasi fuliyay.

PUNTLAND POST