Al-shabaab oo Weerarro culus la beegsatay Saldhig ku yaalla Deegaanka Baar-Sanguuni

Kismaayo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa saakay aroortii hore weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo ahaa mid culus ay labada dhinac kasoo gaareen khasaare, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’eg yhaay, iyadoo weli uu dagaalku ka socdo Baar-sanguuni. waxaana la sheegayaa in gaadiid badan oo qaraxyo ay ka buuxaan ay weli yaallaan hareeraha saldhiggaas.

Goobjoogayaal ku sugna deegaanka uu dagaalku ka socdo ayaa warbaahinta u sheegtay in dagaalku uu ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo lala beegsaday saldhigga, kaddibna ay billaabatay is-rasaasey xooggan.

Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay la wareegtay saldhigii ay weerartay, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah ciidamada Jubbaland ee saldhiggaas ku sungnaa, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaase wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in ciidammo gurmad ah ay la ambabaxeen magaalada Kismaayo, iyagoo ku sii jeeda halka uu dagaalku ka socdo, kaas oo weli ka socda saldhigyadii la weeraray.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan jirin wax war ah oo ay ka bixin karaan dagaalka, balse waxay xaqiijiyeen in dagaalku uu yahay mid culus oo u dhexeeya ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay madaxda Jubbaland sheegeen inay dagaal ku qaadayaan Al-shabaab, ayna doonayaan inay la wareegaan degmooyinka Bu’aale iyo Xagar oo ka kala tirsan Jubbaland Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dagaalkaan ka dhashay, basle wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya inay dhimasho iyo dhaawac fara badan soo kala gaartay dhinacyada hardamaya.

PUNTLAND POST