Dagaal khasaara fara badan dhaliyay oo ka Dhacay Deegaanka Daynuunay ee Gobolka Bay

Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab maanta ku dhex-maray deegaan ku dhaw Daynuunaay oo u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-haaba.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta aya asheegay inay arkeen dhimashada iyo dhaawac ciidammo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay ku arkeen goobta lagu dagaalamay laba gaari oo kuwa ciidanka ah oo la gubay.

Dagaalka ayaa Qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya ah oo ku socday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo dhawaqiisa laga maqlayay deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalku ka dhacay.

“Waxaan arkay dhimashada tiro badan Toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka tirsanaa, waxaana sidoo kale arkay dhaawacyo badan oo lasii waday,” ayuu u sheegay warbahainta mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaas ku daray in tiro shacab ah ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka.

Sidoo kale, Tiro dhaawacyo ah oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa la geeyay xarunta ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed, halkaasoo lagu daweynayo, balse taliska ciidamadu ma sheegin tirada dhaawacyada lasoo gaarsiiyay.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab sheegtay inay dagaalkaas ku dileen in ka badan 57 askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen, inkastoo aysan sheegin khasaarihii dhankooda kasoo gaaray dagaalka oo ahaa mid culus.

Ugu dambeyn, Inkstoo aysan Taliska Ciidanka AMISOM ka hadlin khasaaraha uu dhaliyay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Ururka Al-shabaab dulleedka Baydhabo, ayaa haddana wuxuu imaanayaa xilli laba casho ka hor ay Baydhabo ka dhacday caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaas C/casiis Lafta-gareen.

PUNTLAND POST