Qadar oo gaadiid dagaal ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Dowladda Qadar ayaa ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya 68 kamid ah gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Munaasabad ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkan kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobjoog ka haa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidamaada xooga iyo saraakiil ka socotay dalka Qadar.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo gaadiidkan dagaalka gudoomay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan dowladda Qadar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowladda.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Indha-qarshe ayaa u mahadceliyay dowladda Qadar, wuxuuna sheegay in gadiidkan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan.

Masuuliyiin ka socday dowladda Qadar ayaa sheegay in gaadiidkan gaashaaman ee ay ugu deeqeen dowladda Soomaaliya loogu tala-galay in ciidanka Soomaaliya kula dagaalamaan ururada argagixisada ah.

Maahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay dalal shisheeye ugu deeqaan gaadiid dagaal, dhowr jeer oo horre ayaa lagu wareejiayay gaadiid dagaal.

PUNTLAND POST