Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Nairobi

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga dalkaasi ay dib ula wareegeen gacan ku haynta hoteelkii ay talaadadii shalay qabsadeen dableyda hubaysan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee waddanka Kenya, Fred Matiangi ayaa sheegay in la xaqiijiyay ammaanka dhammaan dhismayaasha huteelka,balse waxaa halkaasi weli ku xanniban dad kale oo rayid ah sida laga soo xigtay qaar kamid ah ehelada dadkaasi.

Booliiska dalka Kenaya ayaa soo bandhigay sawirrada ay qaadeen kaamirooyinka qarsoon oo muujinaya ilaa 4 nin oo ku hubaysan qoryaha fudud ee AK47 kuwaas oo gelaya huteelka xilliga la weeraray.

Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in ay huteelka ku dhex dileen 47 ruux,hase yeeshee warbaahinta dalka Kenya oo xiganaysa laamaha amniga ayaa sheegaysa in ilaa 15 qof oo shacab ah ay ku dhinteen halkaasi.

Dowladda waddanka Kenya weli si rasmi ah uma soo bandhigin khasaaraha kala duwan ee ka dhashay weerarkaasi argagixiso marka laga reebo wararka ay daabacayan warbaahinta gudaha ee Booliiska iyo laamaha amniga laga soo xiganayo.

Al-shabaab ayaa hore weerarro argagixiso oo lagu hoobtay ka fulisay gudaha waddanka Kenya,waxaana kamid ahaa weerarkii huteelka West Gate ee magaalada Nairobi iyo sidoo kale weerarkii jaamacadda Gaarrisa.

PUNTLAND POST