Uhuru Kenyatta: Waa lasoo afjaray argagixisadii, waxaana geeriyooday 14 qof

Uruhu Kenyatta oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhawayd shir jaraaid ku qabtay magaaladda Nayroobi ayaa faah-faahin ka bixiyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotel ku yaal magaaladaas, wuxuuna Kenyatta sheegay in lasoo afjaray kooxdii gudaha u gashay dhismaha 14 Riverside Dusit complex oo ku yaal degaanka Westlands ee magaalada Nayroobi.

Mr. Kenyatta wuxuu xaqiijiyey in dhamaan dagaalyahanadii la laayey, isla markaana dhismahaas laga saaray in ka badan 700 oo qof oo ku sugnaa halkaas, ayna weerarkaas ku geeriyoodeen 14 qof oo rayida.

“Hawlgalkii amniga ee Dusit wuu dhammaaday, argagixisadiina waa la tirtiray. Xilligan la joogo, waxaan xaqiijinaynaa in 14 qof oo aan waxba galabsan lagu waayay gacmaha argagixisada, halka ay qaar kalena dhaawac yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku raad joogaan dhammaan kuwii ku lugta lahaa weerarkan, hadii ay ahaan lahaayeen kuwii maalgeliyey ama fududeeyey.

“Waxaan raadin doonaa qof kasta oo ku lug lahaa maalgelinta, qorsheynta iyo fulinta ficilkan naxdinta leh, kamana daali doono inaan meel kasta oo ay joogaan ugu tagno tan iyo inta si dhaba loola xisaabtami doono” ayuu yiri Kenyatta.

Dalka Kenya waxaa maanta laga dareemayaa baroordiiqda loo samaynaayo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka ku yaala magaalada Nayroobi.

PUNTLAND POST