Puntland: Cumar Faaruuq oo laga mamnuucay in uu shirar ku qabto Garoowe

Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa ku war-gelisay suxufiga lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan in uusan wax shir ah ama tababar ah ku qaban karin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo uu ku saxiixanyahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah.

Mudane Faaruuq oo sheegta in uu yahay xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSEJ ayaa shalay soo gaaray magaalada Garoowe waxaana maanta sawirradiisa lagu arkay Facebook-ga isaga oo Garoowe la fadhiya dhowr qof oo saaxiibadiis lagu sheegay.

PUNTLAND POST