Nin kamida dadkii uu qabsaday weerarka dhisme ku yaal Nayroobi oo macasalaameeyey aduunka

Mr. Ronald Ng’eno oo kamida dadkii uu weerarku ku qabsaday dhisme ku yaala magaaladda Nayroobi ee caasimada Dalka Kenya ayaa si isdaba jooga fariimo uu ku macasalaameynaayo qoyskiisa iyo aduunkaba soo dhigaayey barta uu ku leeyahay twitter-ka.

Ninkan ayaa caawimaad weydiistay safaaradaha Dalalka Maraykanka iyo Israel,

” Qaraxyo waaweyn oo ay ku xigto toogasho ayaa socoto, Fadlan Safaarada Maraykanka iyo safaarada Israel i caawiya” ayuu yiri ninkani.

“Hadii aan dhinto, waan jeclahay Illaahay, waxaana aaminsanahay inaan tegi doono Janadda, usheeg qoyskayga inaan jeclahay, waan idin jeclahay Caleb, Mark iyo Carol,” ayuu yiri Mr Ng’eno

Ninkan ayaa sheegay inuu ku dhumaanaayo Suuli uuna maqlaayo dhawaqa hubka ay ridayaan kooxda argagixisada ee gudaha ugu jira Hotelka, isagoo intaa ku daray inay kooxdani qol-qol u gelayaan dhismaha.

” Weli waxaan ku jiraa suuliga kooxda hubaysan waxay ku sugan yihiin dhismaha, fadlan noo soo duceeya” ayaa kamid ahaa qoraalada Mr Ng’eno, wuxuu intaa ku daray inuu telefoonku ka dami rabo isagoo mar kale codsaday in loo soo duceeyo.

Ugu dambayntii Mr Ng’eno ayaa saaka kusoo qoray twitter-ka inuu badbaaday, wuxuuna u mahadceliyey dadkii caawiyey.

” Gacaliyayaal dhamaantiin waad ku mahadsantihiin taageeradiina, hada banaanka ayaan joogaa, waxaana gurigayga igula sugan qosyka, waa mahdsanyihiin gasiiyaasha badbaadiyey noloshayada” ayuu yiri Mr Ng’eno.

Ninkan ayaa kamid ahaa dadka laga soo badbaadiyey dhismaha ku yaal Nayroobi ee ay weerareen dagaal yahanada katirsan kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST