Maamulayaasha Shirkadaha Golis iyo Eeneeya oo xabsiga loo taxaabay

Waxaa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari lagu xiray madaxda ugu saraysa shirkadaha isgaarsiinta iyo korontada ee Golis iyo Eeneeya oo ay shalay bartamaha magaalada isku rasaaseeyeen ilaalada labadaas shirkadood, sidoo kale waxaa la xir-xiray ciidamadii is rasaaseeyey.

Labadan shirkadood ayaa waayadii u danbeeyeyba ku muransanaa baalayaasha ka taagan magaaladda Bosaaso, kuwaas oo ay qolo weliba sheegtay inaysan qoladda kale isticmaali karin baalle ay taagatay.

Inta la sheegay is rasaasaynta dhex martay ilaalada labadan shirkadood waxaa ku dhaawacmay afar qof.

Dadweynaha reer Boosaaso waxaa anfariir ku noqday dhaqankan ku cusub Puntland ee ay ku dhaqaaqeen shirkadahan.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa u muuqata inay balaarisay ganacsigeeda ayna kusoo dartay adeegga korontada, waxaana muuqata in tartan dhanka korontada uu ka dhex bilowday Golis iyo shirkadda ugu weyn korontada ee Eeneeya.

Khilaafka labadan shirkadood ayaa soo socday labadii sano ee u danbaysay mana jirin cid dhex gashay.

Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay inuu dulqaadkii dhamaaday cid welibana la marin doono waxa uu sharcigu ka qabo.

PUNTLAND POST