Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in weerarka Nairobi uu weji xun kale muujiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagixiso ee lagu qaaday huteel DusitD2 magaalada Narobi ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed xalay  ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada“.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad deg deg ah loo rajeeyay. War-saxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Kenya ku garab taagan tahay dagaalka ka dhan ah argagixisada.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”.

PUNTLAND POST