Weerar ka dhacay Hotel ku yaalla Nairobi oo ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug

Weerarka Nairobi

Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay maqaaxi ku dhex-taala Dusit Hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Inta la hubo labo qarax ayaa la maqlay, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro, intaas kadib rasaas xoogan oo muddo socotay ayaa laga maqlayay xaafada Westland oo uu ku yaallo Hotel-ka la wareeraray.

Dablay hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen Hotel-ka, kuwaas oo ka dhex dagaalamaya

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo, waxaana wali socda howgal.

Sida la xaqiijiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi la socday ayaa ku sugnaa Hotel-ka la weeraray oo ay shir kula la haayeen hay’adda SSF.

War ka soo baxay madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf ay weerarka kadib Hotel-ka ka saareen ciidamada amaanka Kenya, isaga oo nabad qaba.

Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyadda weerarka Nairobi.

Wixii ku soo kordha waxaad kala socon doontaan halkan.

PUNTLAND POST