Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Isbedel lagu sameeyay Xeerka Bangiga Dhexe

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax-ka-bedel lagu sameeyay xeerka Bangiga Dhexe ee Somalia, taasoo timid xilli maalmahan la hadal-hayay in Bangiga Dhexe ee Somalia – Guddoomiye looga dhigayo nin u dhashay dalka Britain.

Kulankii maanta oo ay fafdhiyeen 175 xildhibaan ayaa 158 ka mid ah waxay ansixiyeen wax-ka-bedelka xeerka bangiga dhexe, halka 17 xildhibaan oo kale ay iyaguna diideen in meel-marinta go’aankan.

Arrinta wax-ka-bedelka xeerka Bangiga dhexe ayaa dhigaya in Hogganka sare ee Bankiga ay qaban karto cid kasta oo ugu dhibca-saraysa dadka u tartamaya, taasoo ka dhigan cid walba ay xilkaas qaban karto, iyadoo aan loogu eegeyn Jinsiyaddiisa.

Sido kale, intii ay socotay doodda wax-ka-bedelkan xeerka, ayaa waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen inuu yahay xeerkan mid qiyaano qaran ah oo la baal marayo qiimaha muwaadinka uu leeyahay, isla markaana ajnabiga laga doortay.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mdi ah xildhibaannada ugu go’aannada adag baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in go’aanka maanta la ansixiyay uu yahay mid Qiyaano Qaran ah, isla markaana uu ka digayo in bangiga dhexe loo dhiibo qof Ajnabi ah, iyadoo la helo qof Soomaali ah oo qaban kara xilkan.

“Waxaan rumeysan la’ahay in xeerkan Golaha Wasiirrada ay si wada ogol ah isugu raaceen inay ansixiyaan oo ay baarlamaanka usoo gudbiyaan, waxaa kale oo aan rumeysan la’ahay in Golaha Wasiirrada ay isku raaceen in lagu tunto dastuurkii dalka u yaallay illaa maalintaan Xorriyadda Qaadannay oo weliba hal qof oo ajnabi ah dartiis sidaas loo yeello,” ayuu Zakariye ku yiri hadal uu warbaahinta u jeediyay.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray. ”Waxaan xukuumadda doonaynaa inay noo caddeyso kitaabkii lagu dhaarinayo ninka ajnabiga ah ee lagu wado in uu gudoomiye ka noqdo Bankiga dhexe ee Somalia.”

Ugu dambeyn, Wax-ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130-aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sarreeya, karti ahaan aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

PUNTLAND POST