Xukuumad noocee ah ayaa laga fillan karaa Madaxweyne Deni?

Madaxweynaha cusub ee Dawladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha foodda ina kusoo haya la wareegi doona xilka madaxweynaha, waxayna xukuumadii hore ee madaxweyne Gaas isku diyaarinaysaa sidii ay Dawladda cusub ee Puntland xilka ugu wareejin lahayd.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa u muuqda inuu durba gudda galay qaar kamida shaqooyinkiisa caadiga, isagoo booqashooyin ku tagey qaar kamida xarumaha Dawlada sida Madaxtooyada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe, isagoo halkaas kulamo kula qaatay masuuliyiinta xarumahaas.

Madaxweyne Deni iyo Dawladiisa

Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa la sheegayaa inay dhanka kale bilaabeen latashiyo la xiriira dhismaha xukuumadooda cusub, wuxuuna Madaxweynuhu bilaabay inuu kulamo gooni gooni ah la qaato qaybaha bulshada sida isimada, Siyaasiyiinta iyo wax garad kale isagoo kala tashanaaya sida ay noqon karto xukuumadiisa cusub.

Xukuumad kooban

Dadka qaar ayaa qabba in Madaxweynuhu soo dhiso xukuumad ka tiro yar balse ka tayo badan xukuumadihii horre, iyadoo la tixgelinaayo daruufaha dhaqaalle ee Wadanka, maadama horey loo abuuray wasaaraddo fara badan oo uusan Dalku qaadi karin kuwaas oo macna badan ugu fadhiyin dadka reer Puntland, halka ay qaar kalle qabaan inaysan taasi suuragal ahayn maadama ay beel walba oo Puntland degta ay doonayso inay xukuumadda cusub iska dhex aragto.

Xukuumad Caynkee ah ayaa laga fillan karaa Madaxweyne Deni?

Dadka reer Puntland ayaa si aada u hadal haya nooca ay noqon doonto xukuumadda cusub ee Madaxweyn Deni, dadweynaha qaarba sida ay la jeclaan lahaayeen ayey u dhiggayaan xukuumadda cusub, hase ahaate Madaxweynaha Puntland oo dhawaan la waydiiyey xukuumadda laga fillan karo ayaa sheegay inuu soo dhiso doono xukuumad tayo leh oo uu dhinacyo badan ka fiiriyey, wuxuuna yiri mar uu  arintaas ka hadlaayey.

” Waxaan soo magacaabi doonaa Dawlad tayo leh oo lagu saleeyey aqoon, Waaya-aragnimo, fir-fircoonaan, dhalinyaranimo iyo daacadnimo” Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu rajaynaayo in sidoo kale haweenku ka dhex muuqan doonaan xukuumadiisa.

Dadka ka faloodda siyaasada ayaa sheegaaya in Madaxweynaha cusub ee Puntland ay ka muuqato deganaan iyo waaya-aragnimo uu u leeyahay degaanka maadama uu yahay nin dal-joog ah, sidaa darteedna xukuumadiisa cusub noqon doonto mid uu si aada uga fiirsaday uuna latashiyo kala sameeyey dhinicyo badan.

PUNTLAND POST