Maxaa sabab u ah hoos u dhaca ku yimi sarifka dollarka ee suuqyadda Puntland?

Waxaa si aada hoos ugu dhacay lacagta dollarka marka loo badelaayo shillinka Soomaaliga, horay suuqyadda Puntland waxaa halka dollaar lagu sarafi jirey 35,000 oo Shillinka Soomaaliga ah, halka uu maanta maraayo 30,000 oo Shillin isaga oo u muuqda inuu hoos uga sii socdo.

Arintan ayey si aada u hadal hayaan dadweynaha reer Puntland iyagoo u yeelaayaa sababo kala duwan, waxaase sababta ugu weyn ay tahay lacag dollar ah oo aad u fara badan oo maalmihii u danbeeyey si xoogan usoo gashay suuqyada Puntland taas oo ka timi musharixiintii ku loolamaayey doorashadii madaxtinimada.

Waxaa la qiyaasayaa inay suuqyadda Puntland soo galleen in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar maalmihii u danbeeyey.

Dadka muruq maalka ayaa soo dhaweeyey hoos u dhaca dollarka, waxayna sheegeen inay sicir bararka sarifku uu dhibaatooyin badan ku hayey.

Sanadihii u danbeeyey degaanada Puntland waxaa si aada hoos ugu dhacaayey qiimaha lacagta shillinka Soomaaliga, taas oo sababtay sicir barar baahsan oo laga dareemay Puntland.

PUNTLAND POST