Ciidamada Puntland oo soo qabtay koox weerar ka geystay gobolka Bari

Wararka ka imaanaya deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa sheegaya, in ciidamada Puntland ee halkaasi ku sugan ay gacanta ku dhigeen, koox hubaysan oo caawo gaari rakaab ku rasaaseeyay buundada Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Laag iyo Kalabayr ee gobolka Bari.

Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, rasaasta ay kooxda hubaysan ku weerartay gaariga oo dad shacab ah saarnaayeen,sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada ku sugan deegaanka Kalabayr.

Kooxda hubaysan oo ka koobnaa 4 nin, ayaa mid kamid ah ku dhintay hawlgalka. Saddexdii kale ayaa ciidamadu nolosha ku qabteen,waxana haatan ku socda baaritaan.

PUNTLAND POST